- indhaha nuurka aragiyo
- ileyskii noloshaay
- adigaan aduun iyo
- ifka kuugu jeclahay
- intaan dunida joogee
- waanan kuu ogsoonahay
- sidaad ii adeecdee
- arxankiyo kalgacalkaad
- uurka iigu haysee
- adigana asluubtiyo
- ixtiraamka gobonimo
- waa waxaan asaagaa
- aadmi kaaga doortee
- sideen kugu ilaawaa
- agabkiyo anfacadiyo
- eheladii naftayadaay
- adigaa amaan iyo
- nafta aayahaygii
- illaah aan ka sugayee
- waana kuu ogsoonahay
- sidaad ii asiibtee
- anigana amaanniyo
- abaal iiga mudantahee
- adigana asluubtiyo
- ixtiraamka gobonimo
- waa waxaan asaagaa
- aadmi kaaga doortee
- sideen kugu ilaawaa