Monday, 31 July 2023

GABEY DUMAR AMAAN

     GABEY DUMAR AMAAN 

                      

  • indhaha nuurka aragiyo
  • ileyskii noloshaay
  • adigaan aduun iyo
  • ifka kuugu jeclahay
  • intaan dunida joogee
  • waanan kuu ogsoonahay
  • sidaad ii adeecdee
  • arxankiyo kalgacalkaad
  • uurka iigu haysee
  • adigana asluubtiyo
  • ixtiraamka gobonimo
  • waa waxaan asaagaa
  • aadmi kaaga doortee
  • sideen kugu ilaawaa
  • agabkiyo anfacadiyo
  • eheladii naftayadaay
  • adigaa amaan iyo
  • nafta aayahaygii
  • illaah aan ka sugayee
  • waana kuu ogsoonahay
  • sidaad ii asiibtee
  • anigana amaanniyo
  • abaal iiga mudantahee
  • adigana asluubtiyo
  • ixtiraamka gobonimo
  • waa waxaan asaagaa
  • aadmi kaaga doortee
  • sideen kugu ilaawaa

1 comment:

Hi

 Mohammed Siad Barre (Somali: Maxamed Siyaad Barre; Arabic: محمد زياد بري, romanized: Muhammad Ziād Barīy; c. 6 October 1919 – 2 January 199...